HomeWararDFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari

DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari

Date:

Related stories

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inay noqoto caasimadda maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia, maamul cusub oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday xalay. Maamulkan cusub ayaa ka kooban afar gobol oo muhiim ah: Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer, waxaana si buuxda loogu aqoonsaday in Laascaanood ay noqoto xarunta […]

- Advertisement -

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inay noqoto caasimadda maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia, maamul cusub oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday xalay.

Maamulkan cusub ayaa ka kooban afar gobol oo muhiim ah: Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer, waxaana si buuxda loogu aqoonsaday in Laascaanood ay noqoto xarunta maamulkaas.

- Advertisement -

Dhismaha maamulka cusub ayaa ka dhashay shir weyn oo muddo siddeed maalmood ah ka socday Laascaanood. Shirkaas ayaa ay ka qeybgaleen 417 ergo oo ka kala yimid Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle, waxaana lagu ansixiyay Dastuur KMG ah, magaca maamulka cusub iyo caasimaddiisa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in dhismahan cusub uu yahay wejigii koowaad ee hirgelinta maamulka, iyadoo wajiyada xiga lagu bilaabi doono dhismaha baarlamaanka iyo doorashooyin dadweyne.

Waxaa la shaaciyay in Baarlamaanka Waqooyi Bari uu ka koobnaan doono 83 xildhibaan, kuwaasoo lagu soo xuli doono hab doorasho dadban, ka hor inta aan loo gudbin doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa bogaadiyay go’aamada ka soo baxay shirweynaha, isagoo ku tilmaamay maamulka cusub inuu yahay mid u dhigma hiigsiga bulshada deegaannada oo muddo dheer u halgamaysay in ay si rasmi ah uga mid noqdaan dawlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale xusay guulaha laga gaaray muddadii uu jiray Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, gaar ahaan dagaalladii lagu ciribtiray ciidamada Somaliland ee ku sugnaa Laascaanood.

Tallaabadan ayaa loo arkaa dhabar-jab siyaasadeed oo culus oo ku wajahan maamulada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo horay u sheegan jiray gobollada maamulka cusub uu hadda ku fadhiyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si wayn u ammaanay dadaalka, wada-tashiga iyo nabadeynta ay hormuudka ka yihiin hoggaanka SSC-Khaatumo iyo Maakhir, iyadoo la shaaciyay in wejiga labaad ee dhismaha maamulka uu si rasmi ah u bilaaban doono toddobaadyada soo socda.

Latest stories