HomeWararDowladda Soomaaliya oo Soo iibsatey Laba Diyaaradood oo Airbus A320 ah

Dowladda Soomaaliya oo Soo iibsatey Laba Diyaaradood oo Airbus A320 ah

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay soo iibsatay laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah, kuwaas oo lagu wado inay ku duulaan magaca shirkadda qaranka ee Soomaali Airlines. Diyaaradahan ayaa la filayaa in ay howlgalaan muddo laba bilood gudahood ah. Heshiiska ku saabsan iibsiga diyaaradaha ayaa si rasmi ah loogu saxiixay Xafiiska Ra’iisul […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay soo iibsatay laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah, kuwaas oo lagu wado inay ku duulaan magaca shirkadda qaranka ee Soomaali Airlines. Diyaaradahan ayaa la filayaa in ay howlgalaan muddo laba bilood gudahood ah.

Heshiiska ku saabsan iibsiga diyaaradaha ayaa si rasmi ah loogu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshiis kala iibsi ah la gashay shirkadda Lema Air Group, taasoo laga iibsaday diyaaradaha cusub.

“Waxaan maanta heshiis kala iibsi ah la billownay shirkad la yiraahdo Lema Air Group. Waxaanu ka iibinay laba diyaaradood oo ah Airbus A320, waxayna hawlgali doonaan muddo laba bilood gudahood ah,” ayuu yiri wasiirku.

Soomaali Airlines, oo ah astaan qaran oo muddo dheer ka maqneyd hawada dalka, ayaa dib u soo noolaaneysa, taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka gudaha iyo dibadda dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts