Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo si weyn u bogaadiyay naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujiyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogagga deegaanka ee si halyeeynimo leh u difaacay magaalada.
Sheekh Shariif Axmed ayaa tacsi u diray ehelada halyeeyada ku shahiiday weerarka, kana mid ahaayeen ciidamo iyo dad shacab ah, isagoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhaawacyada ku waxyeelloobay falkaasi argagixisanimo.
Madaxweynihii hore wuxuu si adag u cambaareeyay in Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay dib ula wareegto deegaano istaraatiji ah oo horay looga xoreeyay, sida Maxaas, taasoo uu ku tilmaamay in ay muujineyso “mas’uuliyad darro culus” oo ku wajahan hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaa muuqata dayac iyo halis si toos ah u taabanaysa amniga qaranka. Waxaa nasiibdarro ah in madaxda dowladda ay dhegaha ka fureysteen talooyin muhiim ah oo lagu dardaarmayay badbaadinta dalka,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif wuxuu carabka ku adkeeyay in weerarrada noocan ah ay yihiin caddayn buuxda oo ka turjumaysa nuglaanta amniga qaranka, taasoo u baahan dib u eegis qoto dheer iyo ficil degdeg ah.
Waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka in ay si dhab ah uga shaqeyso dib u habeynta amniga, isla markaana ay si firfircoon u dhegeysato talooyinka siyaasiyiinta iyo dadka aqoonta u leh arrimaha amniga, si looga hortago in kooxaha argagixisada ay markale gacanta ku dhigaan deegaano muhiim ah.
