Maamulka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, weerar sababay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay ka baxaan magaalada, taasoo keentay in kooxdaasi la wareegto gacan ku haynta Maxaas.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu tilmaamay weerarka mid “waxuushnimo ah oo si toos ah u beegsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha difaaca dalka u taagan.” Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku naf waayay weerarka, iyadoo ammaan ballaaran u jeedisay geesinimada iyo halganka ay muujiyeen ciidamada ku sugnaa magaalada Maxaas.
Sidoo kale, Puntland waxay si gaar ah u bogaadisay doorka ay qaateen ciidamada deegaanka, kuwaas oo si geesinimo leh iskaga caabiyay weerarka Al-Shabaab, inkasta oo ugu dambeyn ay dib uga gurteen magaalada.
Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhab ah u garab istaagto dadaallada Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee khatar gelinaya xasilloonida iyo amniga guud ee dalka.
“Argagixisadu meel walba oo ay joogaan waxay khatar ku yihiin dadkeenna iyo dalkeenna. Waa lagama maarmaan in si mideysan looga hortago. Dowladda Puntland diyaar ayey u tahay in ay doorkeeda ka qaadato dadaal kasta oo lagu ciribtirayo kooxahaas.”
Puntland waxay ku celisay baaqeedii ahaa in loo baahan yahay iskaashi dhab ah oo u dhexeeya dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, si loo helo qorshe mideysan oo lagu wajahayo halista sii kordheysa ee kooxda Al-Shabaab.
Maxaas ayaa muddooyinkii dambe ka mid ahayd saldhigyada istiraatiijiga ah ee ay ku sugnaayeen ciidamada Macawiisleyda iyo kuwa qalabka sida, kuwaas oo door weyn ka qaatay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
