HomeWararJubbaland oo Villa Somalia ku Eedeysay Abaabulka Weerarro Ka Dhan ah Xasiloonida...

Jubbaland oo Villa Somalia ku Eedeysay Abaabulka Weerarro Ka Dhan ah Xasiloonida Gedo

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Maamulka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay dagaallada isdaba-joogga ah ee ka socda degmada Beledxaawo iyo deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, isagoo si toos ah eedeyn ugu jeediyay Villa Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, in uu yahay maskaxda ka dambeysa weerarro lagu wiiqayo xasilloonida Jubbaland.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamo federaal ah oo ku sugan xerada UK ee duleedka Beledxaawo ay dhowr jeer weerarro ku qaadeen magaalada, iyagoo adeegsanaya diyaarado dagaal iyo hub culus. Weeraradaas, sida lagu sheegay bayaanka, waxay sabab u noqdeen barakac ballaaran, burbur hantiyadeed, iyo cabsida shacabka ee ku sugan magaalada.

“Waxay arrintani muujineysaa in Villa Somalia ay si toos ah u abaabulayso dagaallo siyaasadaysan oo lagu carqaladeynayo maamul-goboleedka Jubbaland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

- Advertisement -

Sidoo kale, Jubbaland waxay sheegtay in ciidamo kale oo fulinaya amarro toos ah oo ka yimid Villa Somalia ay xalay weerar ku qaadeen xarumaha ciidamada Jubbaland ee magaalada Doolow, taasoo sii hurisay xiisadda colaadeed ee gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland wuxuu si adag u dhaleeceeyay weerarradaasi, isagoo ku tilmaamay inay yihiin qorshe lagu waxyeelleynayo dowlad-goboleedyada, ayna la mid tahay hab-dhaqanka kooxda Al-Shabaab oo dhowaan la wareegtay magaalada Maxaas, taasoo Jubbaland ku tilmaantay tusaale muuqda oo ah “khatar siyaasadeed oo ka dhalan karta tallaabooyinka dowladda Federaalka.”

Ugu dambeyn, Jubbaland waxay caddeysay in ay ka go’an tahay difaaca shacabka iyo dhulka Jubbaland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay ka hortagto qorshe kasta oo wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida deegaannadeeda.

Latest stories