HomeWararCiidamo Itoobiyaan ah oo Weerar Ku Qaaday Xerada NISA ee Doolow

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Weerar Ku Qaaday Xerada NISA ee Doolow

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Wararka laga helayo degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ay wehliyaan ciidamo hoos taga Maamulka Jubbaland ay xalay weerar ku qaadeen xero ay deganaayeen ciidamo ka tirsan Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo ku taalla degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in weerarku si toos ah ugu dhacay xerada, waxaana xigay dagaal culus oo socday saacado badan, kaas oo dhaliyay cabsi iyo xiisad ka taagan magaalada.

- Advertisement -

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada huwanta ah ee Jubbaland iyo Itoobiya ay ciidanka dowladda ku amreen in ay hubkooda dhigaan oo is dhiibaan, hase yeeshee ciidamadii dowladda ayaa amarkaasi diiday, dagaalna si adag ugu wajahay.

Ilaa hadda lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay iska horimaadka, iyadoo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac.

Xerada weerarka lagu qaaday ayaa lagu warramay inay deganaayeen ciidamo taabacsan Cabdirashiid Janan, Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, kaas oo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday Taliyaha NISA ee gobolka Gedo. Sidoo kale, waxaa la sheegay in xeradaasi yaaleen gaadiid dagaal uu hore Janan ugu wareejiyay dowladda.

- Advertisement -

Xaaladda degmada Doolow ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in xiisaddu sii xoogeysato haddii aan si degdeg ah xal siyaasadeed loo helin.

Latest stories