HomeWararSoomaaliya oo Soo Dhoweysay Go’aanka Faransiiska ee Aqoonsiga Dowladda Falastiin

Soomaaliya oo Soo Dhoweysay Go’aanka Faransiiska ee Aqoonsiga Dowladda Falastiin

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ku soo dhoweysay bayaanka taariikhiga ah ee ay Dowladda Faransiisku ku shaacisay damaceeda ah in ay si rasmi ah u aqoonsato Dowladda Falastiin. Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu tilmaamay go’aanka Faransiiska mid geesinimo leh oo ku habboon marxaladdan xasaasiga ah, islamarkaana xoojinaya xaqa […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ku soo dhoweysay bayaanka taariikhiga ah ee ay Dowladda Faransiisku ku shaacisay damaceeda ah in ay si rasmi ah u aqoonsato Dowladda Falastiin.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu tilmaamay go’aanka Faransiiska mid geesinimo leh oo ku habboon marxaladdan xasaasiga ah, islamarkaana xoojinaya xaqa shacabka Falastiin u leeyihiin in ay masiirkooda ka tashadaan oo ay dhistaan dowlad madax-bannaan oo leh karaamo iyo qaranimo buuxda.

- Advertisement -

“Tani waa tallaabo geesinimo leh oo ku habboon waqtigan muhiimka ah, waxayna ka tarjumaysaa taageerada sii kordheysa ee beesha caalamka u muujinayso cadaaladda, nabadda, iyo xalka laba dowladood,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xustay in ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Falastiin, ayna mar walba taageereyso dadaallada lagu gaarayo nabad waarta iyo dowladnimo xor ah oo ku saleysan xeerarka caalamiga ah.

Latest stories