HomeWararMaxaa ka cusub xaalada Beledxaawo

Maxaa ka cusub xaalada Beledxaawo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa weli wajahaysa xiisad dagaal oo cirka isku shareertay, kadib iska horimaad culus oo shalay ka dhacay gudaha magaalada, kaas oo u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda laga dareemayo xaafadaha iyo duleedka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa weli wajahaysa xiisad dagaal oo cirka isku shareertay, kadib iska horimaad culus oo shalay ka dhacay gudaha magaalada, kaas oo u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda laga dareemayo xaafadaha iyo duleedka Beledxaawo, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale uu dagaal culus qarxo, maadaama labada dhinac ay heleen gurmad ciidan.

- Advertisement -

Isku dhacyada ayaa billowday kadib markii Cabdirashiid Janan — oo dhowaan dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda gobolka Gedo — si rasmi ah magaalada loogu keenay diyaarad ciidan. Tallaabadaas ayaa si adag uga hor timid Jubaland, taasoo ku tilmaantay mid halis gelinaysa amniga gobolka isla markaana hurinaysa fawdo cusub.

Xaaladda Beledxaawo ayaa xilligaan ah mid kacsan. Sida wararku sheegayaan, magaalada inteeda badan waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka Jubaland, halka Cabdirashiid Janan iyo ciidamo taabacsan uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada.

Waxaa la sheegayaa in adeegyada isgaarsiinta magaalada ay hawada ka maqan yihiin, iyadoo dadka rayidka ah ay adeegsanayaan shabakadda Safaricom ee Mandheera oo kaliya laga heli karo.

- Advertisement -

Inkasta oo saakay la sheegay in xaaladda ay u muuqato mid deggan, haddana cabsi xooggan ayaa wali jirta, iyadoo shacabka deegaanka ay muujinayaan walaac la xiriira suuragalnimada dagaal hor leh.

Dowladda Federaalka iyo Jubaland ayaa midba midka kale ku eedeynaya hurinta xiisadda, iyadoo weli aan la arag dadaallo muuqda oo lagu xallinayo khilaafka taagan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts