HomeWararDowladda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareysay Afduubka Lagu Sameeyay Markabka SEA WORLD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareysay Afduubka Lagu Sameeyay Markabka SEA WORLD

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa afduubka iyo xadgudubka lagula kacay markabka SEA WORLD, oo wata calanka Jasiiradda Comoros, una socday dekedda Muqdisho isagoo siday qalab ciidan oo loo waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM, si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaaca ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Turkiga. Markabku waxa uu siday shixnad sharci ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa afduubka iyo xadgudubka lagula kacay markabka SEA WORLD, oo wata calanka Jasiiradda Comoros, una socday dekedda Muqdisho isagoo siday qalab ciidan oo loo waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM, si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaaca ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Turkiga.

Markabku waxa uu siday shixnad sharci ah oo ujeedkeedu yahay xoojinta amniga qaranka, waxaana sidoo kale saarnaa badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Falkan afduubka ah, oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan maamulka Puntland, wuxuu si cad ugu xadgudbayaa qodobka 54-aad ee Dastuurka KMG ah, kaasoo Dowladda Federaalka si gaar ah ugu xilsaaraya ilaalinta amniga qaranka. Waxa uu sidoo kale dhaawacayaa madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Sida ku cad heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS, 1982), falalka noocan ah waxaa lagu qeexaa burcad-badeednimo, waxayna noqonayaan dambiyo ciqaabeed oo lagu qaado tallaabo sharci ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya:

- Advertisement -
  1. Waxay codsaneysaa in si degdeg ah, shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka SEA WORLD.

  2. Waxay uga digeysaa Puntland sii wadidda hawlgallada sharci-darrada ah ee xeebaha maamulkaas, iyadoo ugu baaqaysa iskaashi amni oo ay la yeelato Dowladda Federaalka.

  3. Waxay caddeyneysaa go’aankeeda ku aaddan la dagaallanka burcad-badeednimada iyo in la hor keeno sharciga dhammaan dadka ku lug leh falalka noocaas ah.

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha madax-bannaanida qaranka, ma aqbali doonto wax tallaabo ah oo liddi ku ah amniga badda iyo midnimada dalka. Sii haynta sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD waxay dhalin doontaa jawaab amni oo sharciga waafaqsan oo laga fulin doono meelaha ay khuseyso.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland, inay ixtiraamaan waajibaadka Dastuuriga ah ee difaaca qaranka, isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin karta amniga qaranka iyo gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts