HomeWararCiidanka Booliska Deyniile oo Gacanta ku Dhigay Eedeysane Ku Eedeysan Jirdil Xaaskiisa...

Ciidanka Booliska Deyniile oo Gacanta ku Dhigay Eedeysane Ku Eedeysan Jirdil Xaaskiisa Uu u Geystay

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Deyniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Cabdullahi Cali, kaasi oo lagu eedeeyay inuu si xun u jir dilay xaaskiisa, Khadro Cabdullahi Maxamuud  haweeney u dhalatay Soomaaliya balse ka timid dalka Holland.

Falkan naxdinta leh ayaa si ballaaran uga dhex muuqday baraha bulshada, iyadoo si weyn looga dareemay caro iyo cambaareyn xooggan oo ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

War rasmi ah oo ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad si sharciga loogu qaado tallaabo waafaqsan dambiga uu geystay.

Sidoo kale, Ciidanka Booliiska ayaa ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si si wadajir ah loola tacaalo falalka xadgudubka ah ee ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul.

Booliiska waxay xaqiijiyeen inay ka go’an tahay la dagaallanka tacaddiyada noocan oo kale ah si loo sugo cadaaladda iyo amniga muwaadiniinta.

Latest stories