HomeWarar𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝘄𝗶𝘁𝘇𝗲𝗿𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝘅𝗶𝗶𝘅𝗱𝗮𝘆 𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝘁𝗮𝘆𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮...

𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝘄𝗶𝘁𝘇𝗲𝗿𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝘅𝗶𝗶𝘅𝗱𝗮𝘆 𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝘁𝗮𝘆𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗫𝘂𝗱𝘂𝘂𝗱𝗱𝗮𝗵𝗮.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxda Laamaha socdaalka iyo amniga dowladda Switzerland iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan hay’adaha cadaaladda, Arrimaha dibedda, iyo Khuburo farsamo. Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland qalab ay dhawaan ugu deeqday HSJ Soomaaliya kaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxda Laamaha socdaalka iyo amniga dowladda Switzerland iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan hay’adaha cadaaladda, Arrimaha dibedda, iyo Khuburo farsamo.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland qalab ay dhawaan ugu deeqday HSJ Soomaaliya kaas oo loogu talo galay in lagu baaro dukumiintiyada socdaalka ee been abuurka ah, tababaro wax ku ool ah iyo wada shaqeynta dhow ee ka dhexaysa labada hay’adood, isagoo xusay in iskaashigan uu yahay mid miro-dhal ah oo wax ka taraya horumarinta adeegyada socdaalka.

- Advertisement -

Madaxda labada hya’adood ayaa kala saxiixday iskaashi lagu horumarinayo tayaynta adeegyada socdaalka ay ugu horeeyaan dhismaha kaabayaasha adeegyada socdaalka iyo horumarinta karaanka shaaqaalaha HSJ kuwaas oo xoojin doona aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya oo ah astaan qaran oo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la xoojiyo sumcadda iyo kalsoonida uu ku leeyahay caalamka.

Agaasimaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay hay’adaha maareeya xuduudaha dalka Switzerland ay la wadeegaan khibradooda aqooneed iyo farsamo iyadoo lageeyay xuduuddaha dhulka iyo garoonada dalka si ay usoo arkaan teknologiyada iyo agab loo isticmaalo maareynta socdaalka. Wafdiga ayaa sidoo kale, waxa ay khibrad wadaag wada yeesheen hay’adda soo saarta baasaboorka Switzerland iyo aqoonsiyada dalka halkaas oo si qoto dheer looga hadlay sida kor loogu qaadi lahaa tayada baasaboorka Soomaaliga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts