Taliyaha saldhigga Booliska degmada Eyl ayaa xalay dhaawac culus soo gaaray, kaddib markii askari ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah uu rasaas ku furay xilli uu hurdayay. Weerarka ayaa ka dhacay gudaha degmada Eyl, waxaana la sheegay in xaaladda caafimaad ee taliyaha ay tahay mid halis ah.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in taliyaha si degdeg ah loogu qaaday magaalada Garoowe, halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacyada culus ee soo gaaray.
Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka. Balse ilo amni ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha, oo ah askarigii falka geystay.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dhowaan uu weerar kale ka dhacay isla degmada Eyl, kaas oo lagu dhaawacay guddoomiyaha degmada. Arrintan ayaa muujinaysa walaac ballaaran oo ku saabsan kordhinta weerarada ka dhanka ah mas’uuliyiinta heer degmo ee gobolka.
