Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa mar kale muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ilaalinta midnimada qaranka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Isagoo ka hadlayey madal dadweyne oo muhiim ah, ayuu jeediyey farriin jacayl iyo xushmad ku dhisan oo uu u diray shacabka reer Somaliland.
“Reer Somaliland waan jecel nahay, jacaylkaas darteed ayaan u diidanahay in ay naga go’aan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo adkeeyey in Soomaaliya aysan aqbaleyn kala go’, balse ay diyaar u tahay wada-hadal dhab ah oo salka ku haya walaaltinimo, kalsooni iyo isu tanaasul.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu intaas ku daray in xukuumaddiisu diyaar u tahay inay la fadhiisato cid kasta oo daneyneysa masiirka dalka, si loo gaaro xal waara oo ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay kaalinta muhiimka ah ee ay Qurbajoogta Soomaaliyeed ka qaataan horumarka dalka. Wuxuu ku tilmaamay laf-dhabarka Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya — qorshe qaran oo diiradda saaraya horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo casriyeynta hay’adaha dowladda.
“Qurbajoogta waxa laga sugayaa in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan taageerada ciidamada qalabka sida, ka qeybgalka dhismaha dowladnimada, iyo hirgelinta doorashooyin dimuqraadi ah,” ayuu yiri, isagoo ku boorriyey in la adkeeyo isku xirnaanta Soomaaliyeed si loo ilaaliyo midnimada marar badan la tijaabiyey.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed — gudaha iyo dibadda — ay kaalin muuqata ka qaataan dhismaha Soomaaliya cusub oo nabad, cadaalad iyo horumar ku saleysan.
