HomeWararMadaxweyne Siciid Deni oo Kulan Amni la Yeeshay Saraakiisha Hoggaaminaysa Howlgalka Calmiskaad

Madaxweyne Siciid Deni oo Kulan Amni la Yeeshay Saraakiisha Hoggaaminaysa Howlgalka Calmiskaad

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ka socda buuraleyda Calmiskaad, kaas oo lagu beegsanayo ciribtirka kooxaha argagixisada ee khatar ku haya amniga gobolka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Puntland, ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, Mudane Maxamed Baari Shire, lataliyeyaal sare oo Madaxweyneyaasha ka tirsan iyo saraakiil amni oo heer sare ah.

- Advertisement -

Saraakiisha howlgalka ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha laga gaaray wejiyada hore ee howlgalka Calmiskaad, istaraatiijiyadaha la adeegsaday, iyo qorsheyaasha socda ee ku wajahan wajiga xiga oo la filayo inuu ka bilowdo buuraleyda Calmadow.

Madaxweyne Deni ayaa ku bogaadiyay ciidamada Puntland geesinimada iyo adkeysiga ay ku wajahaan kooxaha argagixisada, isagoo si gaar ah u ammaanay wada shaqeynta shacabka iyo sida ay u garab taagan yihiin ciidankooda. Wuxuu xusay in taageerada shacabka — gudaha iyo qurbaha — ay tahay tiir-dhexaadka guusha howlgalka.

Dhankiisa, saraakiisha ammaanka ayaa carrabka ku adkeeyay in howlgalka uu ku socdo si qorshaysan, islamarkaana lagu wajahan yahay ciribtir buuxa oo ka dhan ah kooxaha nabad diidka ah, si aysan mar dambe fursad ugu helin in ay ku dhuuntaan buuraleyda Puntland.

- Advertisement -

Dowladd goboleedka Puntland ayaa mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay in ay si buuxda u sugaan amniga deegaannadeeda, ayna meesha ka saaraan halista ay kooxaha argagixisada u keenayaan shacabka. Ujeeddadu waa in Puntland ay gaarto nabad waarta, xasillooni joogto ah, iyo dowladnimo xooggan oo ay shacabka oo dhan ka dhex muuqdaan.

Latest stories