HomeWararJubbaland oo sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta Beledxaawo kaddib...

Jubbaland oo sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta Beledxaawo kaddib dagaal culus

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay si buuxda ula wareegeen xarunta degmada Beledxaawo iyo guud ahaan ammaanka magaalada, kaddib dagaal xooggan oo saaka ka dhacay gudaha magaaladaas ee gobolka Gedo. Dagaalka ayaa ka dhashay kaddib markii uu magaalada yimid Taliyaha Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdirashiid Janan, oo sidoo kale ah hoggaanka amniga gobolka Gedo. […]

- Advertisement -

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay si buuxda ula wareegeen xarunta degmada Beledxaawo iyo guud ahaan ammaanka magaalada, kaddib dagaal xooggan oo saaka ka dhacay gudaha magaaladaas ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka dhashay kaddib markii uu magaalada yimid Taliyaha Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdirashiid Janan, oo sidoo kale ah hoggaanka amniga gobolka Gedo. Janan ayaa muddo dheer ka maqnaa gobolka, waxaana safarkiisa loo arkay mid kordhinaya xiisadda ka taagan gobolka.

- Advertisement -

Ilo-wareedyo amni ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan lagu dajiyay xerada ciidamada ee loo yaqaan UK, isagoo ay wehliyeen laba diyaaradood oo qumaatiga u kaca ah (helikobtaro), kuwaas oo sida la sheegay siday ciidamo gaar ah iyo saraakiil sare.

Intaas kaddib ayaa dagaal culus ka qarxay magaalada, gaar ahaan xarumaha muhiimka ah, iyadoo lagu soo warramayo in ciidamada Jubbaland ay si buuxda ula wareegeen xarunta degmada, sida ay xaqiijiyeen guddoomiyaha gobolka Gedo ee Jubbaland iyo guddoomiyaha degmada Beledxaawo.

Xaaladda magaalada Beledxaawo ayaa haatan degan, inkasta oo weli ay jirto cabsi laga qabo in mar kale dagaal ka dhaco, maadaama ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxaysa dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ee ku saabsan maamulka gobolka Gedo.

Latest stories