HomeWararDowladda Federaalka oo cambaareysay dagaalka Baladxaawo, eedeyna u jeedisay hoggaamiyaha Jubbaland

Dowladda Federaalka oo cambaareysay dagaalka Baladxaawo, eedeyna u jeedisay hoggaamiyaha Jubbaland

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo dhexmaray ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland. Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), in uu si […]

- Advertisement -

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo dhexmaray ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), in uu si toos ah uga dambeeyay weerar lagu qaaday xarumo dowladeed iyo saldhigyo ciidan oo ku yaalla Baladxaawo.

- Advertisement -

“Wasaaradda Amniga Gudaha waxay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynaysaa fal dambiyeedka uu eedeysane Axmed Maxamed Islaam ka gaystay magaalada Beledxaawo… halkaas oo maleeshiyaad isaga ka amar qaata ay weerar bareer ah ku qaadeen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka,” ayaa lagu yiri warka.

Sida lagu sheegay bayaanka, weerarka ayaa lala beegsaday xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, iyo xeryo ciidan oo ay deganaayeen ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka. Dowladda ayaa sheegtay in weerarku dhacay xilli dadweynuhu ay ku mashquulsanaayeen noloshooda maalinlaha ah, taasoo, sida ay sheegtay, muujinaysa “mas’uuliyad-darro” dhinaca Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale u tacsiyaysay muwaadiniinta ku waxyeelloobay dagaalka, iyadoo ballan qaaday in cadaaladda la hor keeni doono cid kasta oo ku lug yeelata waxa ay ku tilmaantay “gabood-fallo abaabulan.”

- Advertisement -

“Dowladdu waxay digniin adag u direysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u adeegsado eedeysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo ka qaybqaata dambiyadaas sharciga la marsiin doono,” ayaa lagu xusay gabagabada warsaxaafadeedka.

Warkan ayaa imanaya iyadoo Jubbaland horey u sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada Baladxaawo, kaddib dagaalka saaka dhacay, taas oo muujinaysa sii kordhaya khilaafka siyaasadeed iyo milatari ee u dhexeeya labada dhinac.

Latest stories