Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Raas-Caseyr, ayaa dhawaan fuliyay howlgal amni oo ballaaran, kaas oo lagu baaray markab laga shakiyay oo kusoo xirtay xeebta Degmada Bareeda.
Markabkaasi ayaa si buuxda loo baaray, waxaana lagu xaqiijiyey inuusan wadin wax sharci-darro ah. Kadib hubin iyo baaritaan rasmi ah, ciidamada ayaa si nabad ah u fasaxay markabka, iyadoo aan wax dhibaato ah laga helin.
Dhanka kale, Ciidanka Booliska ayaa shaaciyay in dhowaan la qabtay markab kale oo lagu helay hub sharci-darro ah. Markabkaasi haatan wuxuu ku jiraa gacanta hay’adaha amniga, waxaana socda baaritaan qoto dheer oo lagu xaqiijinayo asalka iyo ujeedada hubkaas. Ilaa baaritaanku dhamaado, saraakiishu kama bixiyeen faahfaahin dheeraad ah.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Raas-Caseyr, G/sare Mahad Cali Carcar, ayaa uga digay shacabka in ay ka digtoonaadaan wararka been-abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada. “Waxaa jira kooxo dano gaar ah leh oo bulshadii marin habaabinaya, burcad abuur sameynaya, islamarkaana dadka badda u diraya. Waa in si wadajir ah looga hortago arrintaas,” ayuu yiri Taliyuhu.
Ciidamada Booliska Puntland ayaa sidoo kale wada hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Puntland, si looga hortago tahriibka, ka ganacsiga hubka, iyo suurtagalnimada in kooxaha argagixisada – gaar ahaan kooxda Daacish – ay isticmaalaan marin badeedyo si ay u helaan taageero ama u baxsadaan.
Booliska Puntland ayaa si cad u sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in xeebaha Puntland loo adeegsado ujeeddooyin khatar gelinaya amniga qaranka, ayna diyaar u yihiin tallaabo kasta oo looga hortago falalka lidka ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo guud ahaan caalamka.
