Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa si cadho leh uga falceliyey go’aankii Qaramada Midoobay ee sanadkii 2023 lagu qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay tallaabo horseedday xasillooni-darro iyo amni-xumo baahsan oo ku faaftay Geeska Afrika.
Wasiirka ayaa qoraal rasmi ah oo uu ku baahiyay baraha bulshada, gaar ahaan X (Twitter), ku sheegay in go’aankaas uu ka hor imanayo dadaallada nabadeed ee gobolka, isla markaana uu si toos ah uga horjeedo himilooyinka nabadda iyo xasilloonida.
“Go’aanka lagu qaaday cunaqabataynta hubka wuxuu si toos ah u dhiirrigeliyay kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo hadda helaya taageero hubeysan oo sii kordhaysa. Tani waxay khatar weyn ku tahay ammaanka guud ee Geeska Afrika,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan.
Wuxuu tilmaamay in halkii laga filayay in cunaqabataynta laga qaado Soomaaliya ay horseedi doonto deganaansho iyo horumar, ay taasi keentay in la furo marinno cusub oo hub sharci-darro ah ku gala dalka, taasoo sii xoojisay awoodda kooxaha hubeysan.
Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan go’aankaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay in xaaladda Soomaaliya ay kasii dareyso, taasoo khatar gelinaysa xasilloonida guud ee gobolka.
“Beesha caalamka waa in ay dib uga fiirsato saameynta go’aankaasi ku yeelanayo nabadgelyada gobolka. Hubka la siiyo Soomaaliya wuxuu khatar ku yahay amniga Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika,” ayuu yiri.
Somaliland oo aan wali helin aqoonsi caalami ah, ayaa si joogto ah u muujisay walaac ballaaran oo ku saabsan in hubka laga saaray cunaqabataynta loo adeegsado falal amni darro ah oo ka dhan ah xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay aaminsan tahay in faragelinta ay ka haysato dowladda federaalka ee Soomaaliya ay si weyn ugu xiran tahay arrimaha hubka iyo kororka kooxaha hubeysan.
