HomeWararShirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Magaalada Laascaanood ayaa maanta si rasmi ah martigelineysa wejiga xiga ee Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la shaaciyay magacyada 301 ergo oo si gaar ah loo soo xulay, kuwaasoo metelaya qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin dhalinyarada, haweenka, cuqaasha iyo waxgaradka. Ergadan ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan […]

- Advertisement -

Magaalada Laascaanood ayaa maanta si rasmi ah martigelineysa wejiga xiga ee Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la shaaciyay magacyada 301 ergo oo si gaar ah loo soo xulay, kuwaasoo metelaya qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin dhalinyarada, haweenka, cuqaasha iyo waxgaradka.

Ergadan ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan qaabeynta maamulka cusub, iyaga oo si wadajir ah uga shaqeyn doona dejinta kuraasta maamulka SSC-Khaatumo iyo dhismaha qaab-dhismeedka guud ee maamulka.

- Advertisement -

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya Laascaanood ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiiseynayso in ergada cusub ay si toos ah u doortaan maamulka SSC-Khaatumo, si loo helo hannaan maamul oo ku dhisan matalaad dhab ah, kalsooni dadweyne, iyo wada-tashi bulsho.

Si kastaba, shirka maanta furmaya wuxuu wajahayaa cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya dhinaca maamulka Puntland. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiwahaab, ayaa si cad u sheegay in khilaaf siyaasadeed uu ka dhashay mowqifyada is-khilaafsan ee labada dhinac.

Wasiirka ayaa sheegay in hoggaanka SSC-Khaatumo uu ka baxay heshiiskii hore ee ay la galeen Puntland, kaas oo ay ku taageertay go’aankii isimada dhaqanka Laascaanood ee ahaa in deegaanadooda loo dhiso maamul gaar ah. Si kastaba, ayuu yiri Wasiirka, hadda waxaa la arkayaa in SSC ay sheeganeyso deegaanada Sanaag iyo Haylaan, kuwaas oo ay isimadoodu horey mowqif cad uga qaateen inaanay qeyb ka ahayn maamulka SSC.

“Khaatumo waxaan leenahay, waad ka leexateen go’aankii isimadiina ee Puntland idinkula shaqaysay… hadda waxaad sheeganeysaan Sanaag iyo Haylaan, halkaasna waa halkii la idin ixtiraamay, idinkuna u ixtiraami la’dihiin.” – Wasiir Maxamed Cabdiwahaab

- Advertisement -

Xiisaddan cusub ayaa u muuqata mid markale soo saareysa su’aalo ku saabsan is-aaminaadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Puntland iyo SSC-Khaatumo, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada ka soo bixi doonta wejigan cusub ee shirweynaha Laascaanood.

Latest stories