HomeWararMarkab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka naga soo gaaraya gobolka Raascaseyr ayaa xaqiijinaya in markab siday shixnad hub oo culus lagu qabtay xeebaha Puntland, gaar ahaan xilli uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho. Markabkan ayaa la sheegay inuu sido gaadiid dagaal oo gaashaaman, beebayaal casri ah oo aan horey loogu arag Geeska Afrika, iyo agabyo milatari oo tiro badan leh – […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Raascaseyr ayaa xaqiijinaya in markab siday shixnad hub oo culus lagu qabtay xeebaha Puntland, gaar ahaan xilli uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho. Markabkan ayaa la sheegay inuu sido gaadiid dagaal oo gaashaaman, beebayaal casri ah oo aan horey loogu arag Geeska Afrika, iyo agabyo milatari oo tiro badan leh – dhammaantoodna wata calaamadaha dowladda Turkiga.

Hawlgalka lagu qabtay markabkan ayaa waxaa fuliyay cutubyo ka tirsan Puntland Maritime Police Force (PMPF) kuwaas oo si taxaddar leh u wada baaritaan ku saabsan ujeeddada rasmiga ah ee shixnaddan hubka ah.

- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Raascaseyr, Mudane Cumar Cismaan Siciid, oo lahadlay warbaahinta, ayaa si cad u xaqiijiyay in ciidamada badda ee PMPF ay gacanta ku hayaan markabka, isla markaana baaritaanku uu weli socdo.

Qabashada markabkan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiriirka milatari ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu marayo heerkii ugu sarreeyay, iyadoo dowladda Turkiga ay si joogto ah u bixiso tababarka ciidamada, qalabkooda, iyo taageero dhanka sirdoonka ah.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan oo la xiriira hannaanka maaraynta shixnadaha milatari iyo xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo la sugayo warbixin rasmi ah oo ka soo baxda labada dhinac.

Latest stories