Maamulka Puntland ayaa si adag u cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Haylaan. Puntland ayaa ku eedeysay dowladda dhexe in ay si bareer ah u hurinayso colaado cusub oo ka dhan ah nabadda iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), ayaa warsaxaafadeed rasmi ah oo uu maanta soo saaray ku sheegay in Dowladda Federaalka ay ku kacday falal halis ah oo abuuri kara fawdo iyo kala dambeyn la’aan.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan si ula kac ah uga wadda kicin colaadeed iyo jahawareer bulsho gobollada Puntland ee nabadda ah,” ayuu yiri Wasiir Juxaa.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in galabnimadii maanta ay ciidamada dowladda federaalka taageersan ama hub siisay, weerar ku qaadeen degmada Dhahar, taasoo sababtay khasaare nafeed iyo kacsanaan siyaasadeed oo sii kordheysa.
“Falkan gurracan oo maleeshiyaad hubeysan lagu keenay Dhahar si loo abuuro xiisad colaadeed, wuxuu tusaale u yahay isku day lagu wiiqayo dagaalka sharciyeysan ee Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraha Cal Miskaad iyo Cal Madow,” ayuu yiri wasiirku.
Juxaa wuxuu si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalku ay adeegsato kaalmooyinka beesha caalamka loogu talagalay horumarinta Soomaaliya, si ay ugu kiciso qalalaase gudaha Puntland.
“Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka oo ku guuldareysatay gudashada waajibaadkeedii ay hub dab leh kula dhex wareegto deegaannada Puntland, iyada oo ujeedadu tahay burbur iyo dib-u-dhac. Shalay Raaskambooni, maanta Dhahar,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa Wasiir Juxaa.
Maamulka Puntland ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada dowladda dhexe, si looga hortago fawdo hor leh oo ka dilaacda deegaannada nabdoon ee Puntland.
