HomeWararMareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Daacish. Duqeynta ayaa dhacday deegaanka ku yaalla koonfur-bari magaalada Boosaaso, halkaas oo la sheegay inay saldhigyo ku leeyihiin kooxaha xagjirka ah ee ku sugan Buuraleyda Cali-Miskaad. War rasmi ah oo kasoo baxay AFRICOM […]

- Advertisement -

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Daacish. Duqeynta ayaa dhacday deegaanka ku yaalla koonfur-bari magaalada Boosaaso, halkaas oo la sheegay inay saldhigyo ku leeyihiin kooxaha xagjirka ah ee ku sugan Buuraleyda Cali-Miskaad.

War rasmi ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu yiri:
“AFRICOM oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo lagu wiiqayo awoodda kooxda ISIS–Somalia si looga hortago weerarro ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ama ay ugu hanjabi karaan shacabka Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee dibadda.”

- Advertisement -

Inkastoo Mareykanku uusan shaacin tirada khasaaraha ay duqeyntu geysatay, waxay caddeeyeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ilaa laga cirib tiro khatarta Al-Shabaab iyo Daacish ee dalka.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada Puntland ay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la bartilmaameedsaday xubno sare iyo dagaal-yahanno ka tirsan Daacish oo ku dhuumaaleysanayay buuraha gobolkaas.

Taliska AFRICOM wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku ay ka go’an tahay xoojinta amniga Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, iyagoo si dhow ula shaqeynaya saaxiibada amniga ee maxalliga ah si loo xaqiijiyo degganaansho waarta.

Latest stories