HomeCaalamkaKuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay...

Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Kuuriyada Waqooyi ayaa si toos ah u shaacisay inay diyaar u tahay inay gasho dagaal militari oo ay la gasho Mareykanka, Japan, iyo Koonfur Kuuriya. Hanjabaddan culus ayaa dhalisay walaac weyn, iyadoo labada dal ee Japan iyo Koonfur Kuuriya ay si deg deg ah u bilaabeen diyaargarow ciidan iyo qorsheyaal ka dhan ah khatarta ka […]

- Advertisement -

Kuuriyada Waqooyi ayaa si toos ah u shaacisay inay diyaar u tahay inay gasho dagaal militari oo ay la gasho Mareykanka, Japan, iyo Koonfur Kuuriya. Hanjabaddan culus ayaa dhalisay walaac weyn, iyadoo labada dal ee Japan iyo Koonfur Kuuriya ay si deg deg ah u bilaabeen diyaargarow ciidan iyo qorsheyaal ka dhan ah khatarta ka iman karta Pyongyang.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa sidoo kale si dhow isha ugu heysa dowladda Ruushka, oo ka digtay in Mareykanku huriyo dagaal cusub oo ka qarxa Bariga Fog. Moscow ayaa ku baaqday in Washington ay ka fogaato tallaabo kasta oo keeni karta iskahorimaad caalami ah, iyadoo sheegtay in gobolka Bariga Fog aanu u dulqaadan karin dagaal kale oo baaxad leh.

- Advertisement -

Ruushka ayaa carrabka ku adkeeyay in xasilloonida gobolka ay tahay tiir muhiim u ah nabadda iyo amniga caalamka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in xiisad kasta oo ka kacda halkaas ay saameyn toos ah ku yeelan doonto dhaqaalaha adduunka, nabadgelyada guud, iyo xiriirka awoodaha waaweyn ee dunida.

Latest stories