Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay in ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir la kordhiyay muddo hal bil ah, taasoo ka bilaabaneysa 15 July illaa 15 August 2025.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii la arkay baahi sii kordheysa oo ay shacabka gobolka u qabaan inay ka qeyb qaataan doorashadan taariikhiga ah. Guddigu wuxuu sheegay in kororka dadka isdiiwaangelinaya uu muujinayo rabitaanka ballaaran ee shacabka reer Muqdisho ay u qabaan helidda cod doorasho oo ay si toos ah u adeegsadaan.
“Doorashadan waxay noqonaysaa tii ugu horreysay ee dadweyne oo laga qabto Muqdisho tan iyo 1969-kii,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay guddiga. “Tani waa fursad taariikhi ah oo muwaadin kasta laga rabo inuu ka faa’iideysto.”
Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta degan Gobolka Banaadir in ay si deg deg ah iskaga diiwaangeliyaan degmooyinkooda, si ay u helaan xuquuqda dastuuriga ah ee codbixinta.
“Muwaaddin is-diiwaan-gali! Iska diiwaan-gali degmadaada si aad u hesho xuquuqdaada codbixinta ee dastuuriga ah.”
