Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xilka uga qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil, oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood isagoo ka qeyb galaya shir halkaas ka socda.
Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 56-aad, oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hon. Cabdirisaaq Axmed Siciid, ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka labaad Hon. Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa lagu meel mariyey go’aanka luminta xubinnimada Golaha ee Xildhibaan Cabdirashid.
Codka loo qaaday ajandahaasi ayaa natiijadiisu noqotay:
-
38 Xildhibaan – Oggol
-
1 Xildhibaan – Diidmo
- Advertisement - -
4 Xildhibaan – Ka aamusay
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Cabdirashid Yuusuf Jibriil uu ka mid yahay xubnaha si firfircoon uga muuqday shirka socda ee magaalada Laascaanood, taasoo keentay su’aalo badan oo ku saabsan mowqifkiisa siyaasadeed iyo xiriirka uu la leeyahay maamulka Puntland.
Maalin ka hor ayuu Cabdirashid Yuusuf Jibriil si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xubinnimada Golaha Wakiillada Puntland, isagoo ku sababeeyay taageeradiisa halganka SSC-Khaatumo.
Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa si cad u sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo mowqifkiisa siyaasadeed iyo garab istaagga uu u hayo shacabka ku sugan SSC–Khaatumo, oo uu ku tilmaamay dad halgan ku jira si ay u helaan maamul u gaar ah oo matala.
Xildhibaankan hore ayaa muddooyinkii u dambeeyay si muuqata uga dhex muuqday siyaasadda deegaanka SSC, isagoo door firfircoon ka qaadanaya shirarka iyo go’aanada lagaga arrinsanayo aayaha deegaannadaas.
Go’aanka Golaha Wakiillada Puntland ayaa si rasmi ah u dhameystiraya tanaasulka Cabdirashid, iyadoo la dhowrayo shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha.
