HomeWararDagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka...

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka laga helayo magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo ka amar qaata Maamulka Puntland iyo ciidamo deegaanka ah oo ka tirsan Beesha Maakhir, kuwaasoo si buuxda u taageersan dhismaha maamulka Maakhir iyo shirweynaha ka socda magaalada Laascaanood ee lagu dhisayo maamulka SSC-Khaatumo. Rasaasta […]

- Advertisement -

Wararka laga helayo magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo ka amar qaata Maamulka Puntland iyo ciidamo deegaanka ah oo ka tirsan Beesha Maakhir, kuwaasoo si buuxda u taageersan dhismaha maamulka Maakhir iyo shirweynaha ka socda magaalada Laascaanood ee lagu dhisayo maamulka SSC-Khaatumo.

Rasaasta ayaa si xooggan uga bilaabatay Xaafadda Sare ee magaalada Dhahar, oo ah halka laga soo galo magaalada, halkaasoo ay ku sugan yihiin fariisimo ay leeyihiin ciidamada deegaanka ee taageersan Maakhir. Dagaalka ayaa u muuqda mid salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay mowqifyada iska soo horjeeda ee la xiriira arrinta ku biirista magaalada Dhahar ee nidaamka SSC-Khaatumo.

- Advertisement -

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku si lama filaan ah u qarxay, iyadoo weli aan la helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa muujinaya cabsi xooggan oo laga qabo in xaaladdu faraha ka baxdo haddii aan si degdeg ah loo joojin colaadda.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Laascaanood uu ka socdo Shirweynaha dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, shir si weyn u saameynaya isku dheellitirnaanta siyaasadeed ee gobollada waqooyi bari Soomaaliya.

Latest stories