HomeWararBooliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad...

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo isku dayay inay si xoog ah ku weeraraan guri ku yaalla magaalada Muqdisho, kaas oo maxkamad sharci ah horey u xukuntay. Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Fataax Aadan Xasan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo isku dayay inay si xoog ah ku weeraraan guri ku yaalla magaalada Muqdisho, kaas oo maxkamad sharci ah horey u xukuntay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Fataax Aadan Xasan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalku ka dhashay kadib markii ciidamada ammaanku ay ka hortageen weerar maleeshiyaadku kusoo qaadeen gurigaasi.
“Sanadka 2025-ka ma ogolaaneyno in Muqdisho laga fuliyo weerarro lagu qaado guryo si sharci ah loo kala xukumay,” ayuu yiri Afhayeenku.

- Advertisement -

Booliisku waxa uu sheegay in labo kamid ah raggii weerarka fulinayay la qabtay, halka saddex kalena ay ka fakadeen, kuwaas oo haatan baaritaanno lagu hayo. Waxa uu intaasi ku daray in falkaasi uu ahaa mid si abaabulan loo fuliyay, isla markaana lagu lug leeyahay kooxo si nidaam darro ah u hubeysan.

Afhayeen Cabdi Fataax ayaa si adag u cambaareeyay dhaqanka kooxaha hubeysan ee adeegsanaya carruur lagu dhalay guryo si sharci-darro ah lagu degay.
“Waxa na dhibaateynaya ayaa ah in gaariga qaraxyada iyo miinooyinka isku xiran ay wadayaan carruur aan waxba galabsan – kuwaas oo lagu dhashay guryo si xoog ah loo degay,” ayuu yiri.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay qoryo iyo qalab kale oo dagaal, oo ay sheegeen in ay ka tageen maleeshiyaadkii baxsaday. Booliiska ayaa ballan qaaday in falalka noocan oo kale ah si adag loola tacaali doono, islamarkaana sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ku lug leh.

Latest stories