HomeWararAskari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar...

Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo loo haysto eedeyn culus oo ah jirdil arxan darro ah oo uu u geystay gabar Soomaaliyeed. Askariga oo lagu magacaabo Axmed Nuur Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyada Qaranka. Falkaan foosha xun ayaa […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo loo haysto eedeyn culus oo ah jirdil arxan darro ah oo uu u geystay gabar Soomaaliyeed. Askariga oo lagu magacaabo Axmed Nuur Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyada Qaranka.

Falkaan foosha xun ayaa soo ifbaxay kaddib markii muuqaal laga duubay askariga oo si naxariis darro ah u garaacaya gabadha lagu baahiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro xooggan iyo falcelin aad u ballaaran oo ka timid bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Booliiska gobolka Banaadir ayaa si deg deg ah uga falceliyay dhacdada, iyagoo xabsiga dhigay askariga eedeysan. Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa war rasmi ah ku sheegay in askariga hadda lagu hayo xabsi ku-meel-gaar ah oo baaritaan lagu wado, isla markaana si dhakhso ah loo horgeyn doono maxkamad si uu u wajaho cadaaladda.

Sidoo kale, Taliska Booliisku wuxuu farriin adag u diray dhammaan ciidamada qalabka sida ee dalka, isagoo ku adkeeyay in aan marnaba la aqbali doonin xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadiniinta. Waxaa la xusuusiyay ciidamada in mas’uuliyad, akhlaaq iyo dhowrsanaan laga rabo qof walba oo huwan darajada ciidan.

Booliisku waxa uu mar kale xaqiijiyay in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin in si sharaf leh loola dhaqmo, ayna ciidamada amniga u joogaan ilaalinta xuquuqdooda, badbaadadooda iyo karaamadooda.

Latest stories