Shirka dhammaystirka dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa galay maalintiisii labaad maanta, iyada oo si weyn diiradda loo saarayo ajandayaal muhiim ah sida qaab-dhismeedka maamulka, saami-qaybsiga awoodda, iyo hannaanka siyaasadeed ee loo wajahayo maamulka cusub.
Guddiga qaban-qaabada shirka oo ka socda dowladda federaalka ayaa qorsheynaya in maanta si toos ah loo galo doodo ku saabsan arrimaha la xiriira dhismaha maamulka iyo nidaamka qaybsiga awoodda. Doodahaasi ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo adag oo ay dhinacyo kala duwan ku kala aragti duwanaadaan.
Ergooyin ka kala yimid gobollada Sanaag iyo Haylaan, oo ay hoggaaminayaan siyaasiyiin caan ah, ayaa codsaday in dib loo eego magaca “Khaatumo”, calanka, iyo dastuurka maamulka cusub, arrintaas oo durba abuurtay xiisad siyaasadeed.
Khilaaf kale ayaa ka taagan martiqaadyo la siiyay wafdi ka socda gobollada Sanaag iyo Haylaan, kuwaas oo laga keenay dibedda, taas oo ay si adag uga hor yimaadeen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah. Waxay ku eedeeyeen in xubnaha la martiqaaday ay yihiin kuwo aan matalin rabitaanka dhabta ah ee shacabka gobolladaas, iyagoo sheegay in la sameeyay xadgudubyo ku saabsan hanaanka wakiilnimada.
Waxaa shirka goobjoog ka ah in ka badan 1,200 ergo oo ka kala yimid gobollada Sool, Sanaag, Cayn, Haylaan, iyo jaaliyadaha dibadda. Waxaana shirkan lagu tilmaamayaa mid xasaasi ah oo laga sugayo go’aammo muhiim ah oo saameyn ku leh jihaynta siyaasadeed iyo maamul ee SSC-Khaatumo.
Weli waxaa jira walaac xooggan oo laga qabo kala aragti duwanaanta muuqata, waxaana si weyn loo dhegaysan doonaa sida loo maarayn doono khilaafaadka iyo in la gaaro heshiis mideyn kara bulshada deegaanka.
