Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Nigeria ka dib geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee dalkaas, Muhammadu Buhari.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tacsi u dirayo Madaxweynaha hadda ee Nigeria, Mudane Bola Ahmed Tinubu, shacabka reer Nigeria iyo qoyskii uu ka baxay Madaxweyne Buhari.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri:
“Wuxuu ahaa hoggaamiye ku suntanaa adeeg daacadnimo, dulqaad iyo u heelnaan uu u muujiyay dalkiisa iyo dadkiisa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu Jannatul Firdaws ku abaalmariyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.”
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Nigeria xilligan murugada leh, isla markaana ay la qeybsaneyso tiiraanyada iyo xanuunka geerida marxuumka.
Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa ku geeriyooday dalka Ingiriiska isagoo 82 sano jir ah, kadib muddo uu xanuunsanaa. Waxa uu ahaa madaxweyne xilka hayay intii u dhexeysay 2015 ilaa 2023, isagoo door weyn ka qaatay horumarinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo xasilloonida gobolka.
Allah u naxariisto.
