Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta gaaray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib safar uu kaga yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Jubbaland ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada Beledxaawo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, Maamulka Gobolka Gedo, Maamulka Degmada Beledxaawo, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee gobolka Gedo, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka.
Ujeedka safarka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ah sidii uu halkaasi uga bilaabi lahaa kulamo siyaasadeed oo la xiriira arrimaha deegaanka. Waxaa uu la kulmi doonaa odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Beledxaawo.
Booqashadan ayaa imaaneysa xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, taasoo si gaar ah uga muuqata magaalada Beledxaawo. Khilaafkan ayaa salka ku haya diidmada Jubbaland ee la xiriirta wafdi ka socda dowladda Federaalka oo la qorsheeyay inay magaaladaasi tagaan.
Safarka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo lagu xallinayo madmadowga jira, loogana golleeyahay in la dhageysto aragtida bulshada deegaanka iyo in xal waara loo helo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan gobolka.
