HomeWararHormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada...

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ah garabka howlaha horumarinta iyo gargaarka ee Hormuud Telecom iyo Salaam Soomaali Bank ayaa maanta la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika. Munaasabadda abaalmarinta, oo qeyb ka ahayd Shirweynaha ALM Africa Summit 2025, oo uu soo qaban qaabiyey ururka African Leadership Organisation oo madax u yahay Madaxweynihi hore […]

- Advertisement -

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ah garabka howlaha horumarinta iyo gargaarka ee Hormuud Telecom iyo Salaam Soomaali Bank ayaa maanta la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika.

Munaasabadda abaalmarinta, oo qeyb ka ahayd Shirweynaha ALM Africa Summit 2025, oo uu soo qaban qaabiyey ururka African Leadership Organisation oo madax u yahay Madaxweynihi hore ee Tanzania, ayaa lagu qabtay Hotelka the Landmark London, iyada oo ay ka soo qeybgaleen madax Afrikaan ah, maalgashadeyaal, hal-abuurro, iyo wakiillo ka kala socday ganacsiga iyo bulshada rayidka ah.

- Advertisement -

Hormuud Salaam Foundation ayaa abaalmarintan ku muteysatay dadaalkeeda joogtada ah ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, gurmadka degdega ah, iyo barnaamijyada kobcinta dhaqaalaha dalka.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo lagu marti qaaday shirka, ayaa Xafladda ka sheegay in Abaalmarintan ay ku dhiirigalineyso in ay sii xoojiyaan adeegyada ay u hayaan Bulshada.

“Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado iyo Horumar,” ayuu yiri Gudoomiye Cabdullaahi.

Shirka ALM Africa Summit, oo sanadkan maraya kii tobanaad, waa mid ka mid ah shirarka ugu ballaaran ee ay isku arkaan hoggaanka ganacsiga iyo siyaasadda Afrika. Mowduuca sanadkan ayaa ahaa (Horumarinta Hoggaanka, Maalgashiga iyo Tartan Awood leh)

- Advertisement -

Abaalmarinta Hoggaaminta Saameynta Bulshada ee Afrika waxaa la siiyaa hay’adaha ama ururrada leh saameyn muuqata ku leh horumarinta nolosha bulshada Afrika, Hormuud Salaam Foundation ayaa sanadkan ku guuleysatay abaalmarintan, iyadoo ay sharaf u tahay bulshada Soomaaliyeed oo ay matalayso.

Abaalmarinta Hormuud Salaam Foundation ayaa ku soo aadeysa xilli sanadahan diirada la saarayo kobcinta Hay’addaha maxaliga, si ay kaalin uga qaataan isbadalka bulsho iyo dhaqaale ee Bulshada.

liban
libanhttps://www.radiodalsan.com/
Liban Ali Gesey is an Editor at Dalsan Media Group with over three years of experience in journalism, digital media, photography, videography, and content production. Since joining the organization in June 2024, he has overseen the editing and publication of website content, specializing in politics and investigative journalism with a strong commitment to accurate, balanced, and impactful reporting on Somalia and the Horn of Africa. Beyond journalism, Liban is the founder of Inkfluence Copywriting, where he helps businesses and organizations grow through copywriting, brand storytelling, and digital marketing. He previously worked as a Digital News Editor and Website Content Producer and holds a Diploma in Broadcast Journalism from the Kenya Institute of Professional Studies (KIPS). Fluent in Somali, English, and Swahili, he combines editorial excellence with creative communication to deliver trusted and engaging content.

Latest stories