Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SOMWA), oo iskaashanaya Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) oo taageero ka helaya Safaaradda Norway ee Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay aqoon-is-weydaarsi hal maalin ah oo ku saabsan Xorriyadda Saxaafadda iyo Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliya.
Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu iftiimiyay halista sii kordheysa ee suxufiyiintu la kulmaan iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada suxufiyiinta, iyadoo loo marayo is-afgarad, wacyigelin, dib-u-eegis sharci, iyo dhisidda awoodda xirfadeed.
Carsten Carlsen, ku-simaha safiirka safaaradda Norway ee Soomaaliya, ayaa hadalkiisii furitaanka ku dhaleeceeyay hanjabaadda, cagajuglaynta, iyo xarigga suxufiyiinta ee badanaa lala xiriiriyo saraakiisha dowladda, isagoo ku tilmaamay falal aan la aqbali karin “xaalad kasta ha ahaatee.”
Agaasimaha fulinta ee SOMWA, Maryan Seylac, oo hadal furitaan ah ka jeedisay madasha, ayaa xustay halista gaarka ah ee ay la kulmaan haweenka suxufiyiinta ah, oo ay ka mid yihiin: tacaddi jir dil, xarig iyo sawirro ceebayn ah oo lagu baahiyo internet-ka, sumcad dil, iyo hanjabaado la xiriira qoysaskooda. Waxay sheegtay in arrintu aysan kaliya ku ekeyn caburinta warbixinta, balse ay noqotay in la tirtiro jiritaankooda saxafiyinimo.
Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay dood furan oo ay ka qeyb galeen khubaro, iyadoo laga dooday:
• Xayiraadaha dhowaan saameeyay warbaahinta iyo saameyntooda
• Baahida loo qabo sharciyo adag oo suxufiyiinta ilaaliya
• Doorka saxaafadda anshaxa leh ee dimuqraadiyadda.
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Date:
Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SOMWA), oo iskaashanaya Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) oo taageero ka helaya Safaaradda Norway ee Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay aqoon-is-weydaarsi hal maalin ah oo ku saabsan Xorriyadda Saxaafadda iyo Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliya. Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu iftiimiyay halista sii kordheysa ee suxufiyiintu la kulmaan iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in […]
- Advertisement -
