HomeWararRa’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah magaalada Muqdisho kula qaatay boqollaal haween Soomaaliyeed oo ka kala socday xaafadaha iyo ururada bulshada rayidka ah ee caasimadda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka haweenku ku leeyihiin dowlad-dhiska, difaaca dalka, doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta, dhammeystirka dastuurka iyo xoojinta midnimada ummadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah magaalada Muqdisho kula qaatay boqollaal haween Soomaaliyeed oo ka kala socday xaafadaha iyo ururada bulshada rayidka ah ee caasimadda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka haweenku ku leeyihiin dowlad-dhiska, difaaca dalka, doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta, dhammeystirka dastuurka iyo xoojinta midnimada ummadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in haweenku ay yihiin laf-dhabarta horumarka Soomaaliya, isla markaana ay dowladda si gaar ah u mudnaanta siinayso ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda, maamulka, iyo arrimaha bulshada.

“Waxaa lagama maarmaan ah oo waajib ah in Khawaarijta dalka laga xoreeyo, haddii kale gaari meyno Soomaaliyada aan dooneyno. Gabdhaha Soomaaliyeed muhiim ayay u yihiin xaqiijinta yoolasha fog ee dalka iyo sidii wadajir loogu xoreyn lahaa dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ammaanay waddaniyadda iyo geesinimada haweenka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in fursadaha shaqo, waxbarasho iyo siyaasadeed ee haweenka la xoojin doono. Wuxuu sidoo kale xusay in xaqa haweenka Soomaaliyeed uu si buuxda u dhameystirmi karo marka la xaqiijiyo xuquuqda muwaadin kasta u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.

Kulankan oo loogu magac daray “Difaac & Doorasho”, waxaa soo qabanqaabiyay Xarunta Amniga iyo Nabadda Haweenka Soomaaliyeed, waxaana ka qeybgalay:

  • Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka,

    - Advertisement -
  • Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka,

  • Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka,

  • Iyo haween metelayay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Latest stories