HomeWararRa’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay mabaadi’da Qaran-dhisidda, muhiimadda cilmi-baarista iyo doorka nidaamka federaalka ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Qaran-dhisku salka ku hayo xoojinta hay’adaha dowladda, kor u qaadista […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay mabaadi’da Qaran-dhisidda, muhiimadda cilmi-baarista iyo doorka nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Qaran-dhisku salka ku hayo xoojinta hay’adaha dowladda, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo hirgelinta qorshayaal cad cad oo qeexaya jihada horumarka ee dalka, kuwaas oo lagu saleeyay cilmi-baarisyo ballaaran.

“Dowladda Soomaaliyeed waxa ay la timid aragti Qaran oo ku saleysan cilmi-baaris qoto dheer, taas oo lagu dhisay Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga 2060. Waa waajib in aqoonyahanka iyo haldoorada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ka qaataan sahanka mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

- Advertisement -

Sidoo kale, wuxuu si adag uga hadlay nidaamka federaalka, isagoo ka digay in lagu qaldo ujeedadiisa dhabta ah.

“Federaalku ma aha nidaam lagu kala qaybiyo shacabka Soomaaliyeed, mana ahan albaab laga soo galo si faragelin shisheeye loo suurtageliyo. Federaalku waa hab dowladeed oo mideynaya dalka, cadaaladna horseedaya,” ayuu yiri.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli ay jiraan doodo xooggan oo la xiriira xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, gaar ahaan arrimaha awood qeybsiga iyo hirgelinta dastuurka, kuwaas oo saameyn ku leh dadaallada lagu dhisayo dowladnimo midaysan oo waarta.

Latest stories