HomeWararQarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Qarax ismiidaamin ah ayaa daqiiqado ka dhacay xerada ciidamada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo kala duwan. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo Muqdisho ka tirsan, ayaa la sheegay inuu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa, […]

- Advertisement -

Qarax ismiidaamin ah ayaa daqiiqado ka dhacay xerada ciidamada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo kala duwan.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo Muqdisho ka tirsan, ayaa la sheegay inuu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaasoo isku dhex qarxiyay ciidamo isku dhaf ah oo tababar loogu furayay gudaha xerada, sida ay sheegayaan ilo amni iyo dad goob joogayaal ah.

- Advertisement -

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka is qarxiyay uusan si buuxda u gaarin goobta ay ku sugnaayeen ciidamada, hase yeeshee uu qaraxu sababay khasaare kala duwan.

Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa si degdeg ah u xirtay goobta uu qaraxu ka dhacay iyo nawaaxigeeda, iyadoo la bilaabay baaritaanno amni iyo sugitaan degdeg ah.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyagoo ku andacooday in ay weerarka la beegsadeen saraakiil ajnabi ah oo ay sheegeen in ay tababar siinayeen ciidamada Soomaaliya — inkasta oo aan la xaqiijin karin sheegashadaas madax-bannaan.

Sidoo kale, sannadkii 2023 ayaa sidan oo kale qarax ismiidaamin ah waxa uu ka dhacay isla xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad, taas oo muujinaysa baahida sare ee loo qabo adkeynta ammaanka xarumaha tababarka ciidamada qaranka.

Latest stories