HomeWararDowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala galay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee Howlgalka ka dhanka ah Al-Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan. Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer ee xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa wareejiyay Hoggaan-ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala galay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee Howlgalka ka dhanka ah Al-Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan.

Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer ee xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa wareejiyay Hoggaan-ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Mudane Idiris Jibriil, Taliyaha Guud ee Booliska DDS Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad, Taliyaha Sirdoonka Ciidanka Milateriga Bariga Itoobiya Kornayl Xasan, oo uu weheliyo kornayl C/risaaq Mukhtaar oo kamid ah saraakiisha sare ee hay’addaas, iyo masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye, oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha dowlad Hirshabeelle, Odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin kale, ayaa uga mahadceliyay DDS taageeradaas, kuna tilmaamay tallaabo dhiirrigelin leh iyo tusaale mudan in lagu daydo, madaama dagaal culus oo halgan ah ay kula jiraan argagixisada Alshabaab.

 

Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu wajahayo maleeshiyaadka Alshabaab iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee labada dhinac

- Advertisement -

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye ayaa xusay in Maanta halganka aay ku jiraan reer hiiraan cidkasto garab u noqoto aay xasuus naan doonaan.

Madaxda ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ballan qaaday in aay sii wadi doonaan garab istaaga dadka ree Hiiraan howlgalka kula jira Al-shabaab.

Latest stories