Xaaladda degmada Moqokori iyo deegaannada hoos taga ayaa saaka aad u kacsan kadib dagaallo culus oo billowday waaberigii hore ee maanta, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka, kuwa deegaanka (Macawisleyda), iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.
Weerarka koowaad ayaa si toos ah uga dhacay xarunta degmada Moqokori, halkaas oo gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu gudaha u galay xarunta ciidamada, kaasoo uu waday qof is-miidaamin ah. Weerarkaasi ayaa lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda iyo Macawisleyda.
Dhacdo kale oo la xiriirta weerarka ayaa ka dhacday deegaanka Gumarre oo ku yaalla duleedka Moqokori, halkaas oo dagaallo qaraar ay maalmahan ka socdeen. Dagaalkaasi ayaa noqday mid fool ka fool ah oo hub culus la isku adeegsaday.
Wararka laga helayo saraakiisha deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada Moqokori, iyadoo dagaalku wali ka socdo gudaha degmada. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gacan ku haynta Moqokori ayna dileen ilaa 50 askari, inkastoo aan la xaqiijin karin sheegashadaasi, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka, Maamulka Hirshabeelle ama gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidamada qaranka iyo Macawisleydu ay fashiliyeen weerar kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ay kusoo qaadeen deegaanka Gumarre, isla markaana ay si buuxda uga hortageen, weerarkana lagu jebiyay maleeshiyaadka oo hadda firxadkooda la daba joogo.
Dagaalkan ayaa sababay khasaare ballaaran, waxaana la xaqiijiyay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada deegaanka, oo ay ku jiraan hoggaamiyayaal caan ah oo ka tirsanaa Macawisleyda gobolka Hiiraan.
Degmada Moqokori ayaa ah magaalo istaraatiiji ah, waxayna xiriirisay gobalada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Sidoo kale, waxay ahayd xarun muhiim u ah sahayda iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
