HomeWararMadaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta booqasho dhiirigelin iyo dhiirrigelin qaran ah ku tegay Ciidamada Gurmad Qaran ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland, iyo sidoo kale cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab, kuwaas oo howlgallo guul leh ka fuliyay qaybo badan oo Jubaland ka mid ah.

Howlgalladan ayaa lagu burburiyay saldhigyo muhiim ah oo ay lahayd kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la fashiliyey qorshayaal halis ku ahaa nabadda iyo amniga shacabka Jubaland.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubaland ayaa si qoto dheer u bogaadiyay geesinimada, kartida iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada, isagoo xusay masuuliyadda weyn ee ay u hayaan difaaca dalka, dadka iyo dastuurka.

“Guulaha laga gaaray howlgaladan waxay astaan u yihiin adkaysiga ciidamada iyo kalsoonida shacabka. Waxay shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed siiyeen farxad iyo yididiilo cusub,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la sii dardar geliyo howlgalka lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta, si dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada ee cadowga ku ah horumarka, nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

Latest stories