Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Mowallad.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo xoogga la saarayo dhinacyada kalluumeysiga, horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, iyo abuurista fursado ganacsi oo wax ku ool ah.
Wasiirka Kalluumeysiga ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Sacuudiga doorka firfircoon ee uu ka qaadanayo xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada joogtada ah ee dowladda Sacuudiga ay u fidiso Soomaaliya. Wuxuu muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in ay kobciso dhaqaalaha badda iyadoo si mas’uuliyad leh loo maareynayo kheyraadka biyaha Soomaaliya.
Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mowallad ayaa adkeeyay in Boqortooyada Sacuudiga ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta dhaqaalaha, maalgeshiga kalluumeysiga, iyo kobcinta adeegyada ay bulshadu ka faa’iideyso. Wuxuu xusay in labada dal ay wadaagaan dano istaraatiiji ah oo ku saleysan walaaltinimo, dhaqan iyo iskaashi taariikhi ah.
Ugu dambeyntii, labada mas’uul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta labada dhinac, islamarkaana la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah oo ka shaqeeya hirgelinta mashaariic la xiriira kalluumeysiga, ilaalinta deegaanka badda, iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah. Tani waxay qeyb ka tahay yoolalka istaraatiijiga ah ee labada dal ay hiigsanayaan si loo xaqiijiyo kobac dhaqaale oo waara.
