HomeWararMadaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa maanta si rasmi ah isku diiwaan geliyay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb, iyaga oo si toos ah uga qeyb galay bilaabashada is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka goleyaasha deegaanka.

Hawlgalkan muhiimka ah ayaa si rasmi ah uga bilowday deegaano ka tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyadoo shacabka ay si weyn uga qeybgalayaan. Mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo, odayaal dhaqameedyo, dhalinyaro, iyo haween ayaa safaf dheer ugu jira sidii ay codkooda u diiwaan gelin lahaayeen, taas oo ka tarjumeysa rabitaanka bulshada ee ku aaddan doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan mabda’a hal qof iyo hal cod.

Doorashadan deegaanka oo ah mid taariikhi ah, ayaa loo arkaa tallaabo waaweyn oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda dalka, laguna dhiirrigelinayo ka qeybgalka tooska ah ee shacabka ee go’aan ka gaarista hoggaankooda deegaanka.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyin kamid ah caasimadda, ayaa ka mid noqonaya goobaha ugu horreeya ee diiwaangelinta laga hirgeliyay, taasoo muujinaysa ballanqaadka dowladda iyo maamullada goboleedyada ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories