HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta markale kulan muhiim ah ku qabtay Madaxtooyada Qaranka, isagoo sii wada gogosha Wadatashiga Qaran ee dhowaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ayaa Madaxweynaha uu ku qaabilay masuuliyiin sare oo horey xilal uga soo qabtay dalka, oo ay kamid yihiin madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta markale kulan muhiim ah ku qabtay Madaxtooyada Qaranka, isagoo sii wada gogosha Wadatashiga Qaran ee dhowaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa Madaxweynaha uu ku qaabilay masuuliyiin sare oo horey xilal uga soo qabtay dalka, oo ay kamid yihiin madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ajandayaashii horay loogu heshiiyay, oo ay ugu waaweyn yihiin:

  • Dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka

  • Hirgelinta doorashooyin toos ah oo ku saleysan hal qof iyo hal cod

    - Advertisement -
  • Iskaashiga lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda amniga qaranka

Dood adag ayaa hadda u socota dhinacyada ku lugta leh wadatashiga, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka, kuwaas oo ah labada qodob ee ugu miisaanka culus ee madasha lagu falanqeynayo.

Kulamadan isdaba-jooga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in lagu gaaro is-afgarad qaran oo ku saabsan mustaqbalka hannaanka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo la rajeynayo in wadatashiyadan ay horseedaan midnimo siyaasadeed iyo xasillooni waarta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts