HomeWararAgaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka Jarmalka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Amb. Sebastian Groth ayna kamid ahaayeen, Safiir K/xigeenka safaaradda, Madaxa xasillinta iyo Madaxa barnaamijyada harumarinta ee dowlada Jarmalka. Agaasimaha Guud ayaa wafdiga la wadaagay isbeddelka horumarineed […]

- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Amb. Sebastian Groth ayna kamid ahaayeen, Safiir K/xigeenka safaaradda, Madaxa xasillinta iyo Madaxa barnaamijyada harumarinta ee dowlada Jarmalka.

Agaasimaha Guud ayaa wafdiga la wadaagay isbeddelka horumarineed oo ay hay’addu ku tallaabsatay, isagoo si gaar ah u iftiimiyay dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, sida casriyeynta nidaamyada tiknoolajiyadda, tayeynta shaqaalaha, iyo kor u qaadidda hufnaanta adeegyada ay hay’addu bixiso.

- Advertisement -

Sidoo kale, Agaasimaha Guud waxa uu Safiirka kala hadlay muhiimadda ay leedahay aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, waxana uu si gaar ah kaga codsaday in la dar dargaliyo aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed si loo fududeeyo isku- socodka labada dal.

Safiirka Groth ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhaweynta diirran iyo wada shaqeynta hufan, isagoo bogaadiyay dadaallada ay hay’addu ka waddo dib-u-habeynta iyo casriyeynta nidaamka socdaalka dalka. Waxa uu sidoo kale safiirka sheegay in Dowladda Jarmalka ay wado qorsheyaal ku aaddan aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, iyadoo qorshuhu yahay in tallaabada koowaad lagu bilaabo baasaboorka diblomaasiga ah iyadoo lagu xejin doono kan shaqaalaha dowladda iyo Shacabka.

Latest stories