HomeWararRa’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Sevilla ee dalka Spain, Marwo Amina Mohamed, oo ah Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, xilli uu halkaasi ka socdo Shirka Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta (Global Development Financing Forum). Kulanka labada mas’uul ayaa si gaar […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Sevilla ee dalka Spain, Marwo Amina Mohamed, oo ah Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, xilli uu halkaasi ka socdo Shirka Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta (Global Development Financing Forum).

Kulanka labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, taageerada nabadda, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dalka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay Marwo Amina Mohamed doorka firfircoon ee Qaramada Midoobay ka qaadatay taageerada Soomaaliya, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo in si dhakhso ah loo hirgeliyo mashaariicda horumarineed ee saameynta leh.

“Taageerada Qaramada Midoobay waxay door weyn ka ciyaartay xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa kaalinta Qaramada Midoobay ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada,” ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah si loo kordhiyo maalgelinta horumarka, loona yareeyo saboolnimada iyo shaqo la’aanta, taas oo qayb ka ah yoolalka istaraatiijiyadeed ee dowladda.

Latest stories