HomeWararMadasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka...

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta shir xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho, xilli la filayo in maalinta berri ay la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kulankoodii labaad ee wadatashiga siyaasadeed. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa diyaarinta qodobadii ay Madashu la hortegi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta shir xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho, xilli la filayo in maalinta berri ay la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kulankoodii labaad ee wadatashiga siyaasadeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa diyaarinta qodobadii ay Madashu la hortegi lahayd Madaxweynaha, iyadoo la saadaalinayo in kulanka berri uu noqdo mid fure u ah dardar-gelinta wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

- Advertisement -

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay xubno katirsan Madasha Mucaaradka ayaa tilmaamaya in kulanka maanta lagu falanqeeyay qodobbo muhiim ah oo ay doonayaan in si qoto dheer looga doodo kulanka berri. Waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa:

  1. Wax ka beddelka Dastuurka KMG ah – Madaxweynaha ayaa oggolaaday in wadahadal laga furo qodobada khilaafka dhalinaya ee Dastuurka, si loo gaaro is-afgarad qaran.

  2. Hannaanka Doorashooyinka – Dhinacyada ayaa raadinaya qaab doorasho oo heshiis laga yahay, loona dhiso kalsooni guud iyo xasilooni siyaasadeed.

    - Advertisement -

Waxaa sidoo kale jira saameyn kale oo ku saabsan wadahadallada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Madasha Mucaaradka u xilsaaray inay xiriir la sameeyaan Maamul-goboleedyada ka maqan geeddi-socodka siyaasadeed – Puntland iyo Jubbaland – si ay wadahadallada uga mid noqdaan.

Xogaha ugu dambeeyay ayaa muujinaya in xiriir siyaasadeed uu bilowday oo dhexmaray Madaxda Madasha Mucaaradka iyo Madaxweynayaasha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wararku waxay sheegayaan in labada hoggaamiye ay shuruudo ku xireen ka qaybgalka wadahadallada dowladda Federaalka.

Kulanka berri ee la filayo inuu dhex maro Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka ayaa loo arkaa mid xasaasi ah, waxaana la saadaalinayaa in lagu go’aamin doono jihada ay qaadi doonaan wada-hadallada mustaqbalka.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in labada dhinac ay si rasmi ah u magacaabaan Guddiyo farsamo, kuwaas oo loo xilsaarayo dejinta ajandaha rasmiga ah iyo maaraynta wada-xaajoodyada. Guddigaas oo ay Madasha horey uga biyo-diiday in la sameeyo kulankii koowaad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts