HomeWararDiyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday...

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan, ayaa xaqiijiyay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ay maanta ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan ayaa kasoo duushay garoonka Balli-doogle, iyadoo sidday 8 ruux. Maareeyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in haatan socdaan baaritaanno ku saabsan sababta keentay shilka iyo in la qiimeeyo khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in faahfaahin dheeri ah laga bixin doono marka ay soo dhameystirmaan warbixinnada rasmiga ah ee la xiriira xaaladda.

- Advertisement -

“Kooxaha dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah ayaa si degdeg ah uga howlgalay goobta, iyadoo haatan la xakameeyay xaaladda garoonka. Waxaana socota nadiifinta aagga uu shilka ka dhacay,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macallin Xasan.

Wuxuu intaa ku daray in shilkaas uusan saameyn ku yeelan jadwalka duullimaadyada caadiga ah, islamarkaana dhammaan diyaaradaha imaanaya iyo kuwa ka baxaya garoonka ay si caadi ah u socdaan. Goobta uu shilka ka dhacayna waxaa si gaar ah ula tacaalaya kooxaha khibradda u leh howlaha samatabbixinta iyo baaritaanka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay la socoto xaaladda si dhow, iyadoo la filayo in warbixin dhammeystiran laga bixiyo dhacdadan marka ay dhameystiraan qiimeynta amniga iyo xog ururinta rasmiga ah.

Latest stories