HomeWararDhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee...

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka dhigay isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho, iyagoo ka sheeganaya tacaddiyo ay sheegeen in ay kala kulmaan ciidamada amniga.

Banaanbaxayaashan oo si weyn u buuxiyay waddooyinka ku hareeraysan KM4 ayaa xannibay isku socodka gaadiidka, taasoo keentay jahwareer iyo hakad ku yimid isu socodka magaalada. Ciidamada ammaanka ayaa isku dayaya kala eryidda dadka mudaharaadaya, iyagoo adeegsanaya rasaas iyo awood ciidan.

- Advertisement -

Mid ka mid ah dhalinyarada ka qeybgaleysa banaanbaxa ayaa u sheegay warbaahinta: “Ciidamada ayaa naga qaada lacago sharci darro ah, waxayna nagu sameeyaan jirdil joogto ah. Saakay mid naga mid ah ayaa rasaas lagu dhaawacay.”

Dhalinyarada ayaa sidoo kale sheegay in mararka qaar laga hor istaago isticmaalka wadooyinka magaalada inkastoo ay haystaan rukhsado sharci ah oo ay ka heleen dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay dalbadeen in si degdeg ah loo joojiyo culeyska iyo cadaadiska lagu hayo, isla markaana loo sugo xuquuqdooda shaqo.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hay’adaha amniga ee la xiriira dhacdadan. Balse xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in xiisaddu kororto haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban cabashooyinka ay dhalinyaradu muujinayaan.

Latest stories