HomeWararWasiirro Sare oo Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo Ku Tegay Tanzania

Wasiirro Sare oo Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo Ku Tegay Tanzania

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayna wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale, ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray dalka Tanzania. Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dar es Salaam, iyadoo ay ku qaabileen mas’uuliyiin ka […]

- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayna wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale, ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray dalka Tanzania.

Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dar es Salaam, iyadoo ay ku qaabileen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania iyo Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Mudane Ilyaas Cali Xasan.

- Advertisement -

Ujeedada booqashada ayaa isugu jirta xarig-jarka dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, kaas oo dib u dhis iyo qalabeyn heer sare ah lagu sameeyay, iyo ka qeybgalka xuska 65 guurada maalinta xorriyadda Tanzania.

Inta ay joogaan dalkaasi, wafdiga wasiirrada ah ayaa kulammo laba geesood ah la yeelan doona dhiggooda Tanzanian-ka, iyaga oo diiradda saari doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.

Latest stories