HomeWararRa’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, taasoo uu ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah horumarinta dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya uu leeyahay khayraad ballaaran oo badeed, loona baahan yahay in si xirfad leh looga […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, taasoo uu ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya uu leeyahay khayraad ballaaran oo badeed, loona baahan yahay in si xirfad leh looga faa’iideysto. Wuxuu xusay in dhaqaalaha badda – looyaqaan “dhaqaalaha buluugga ah” – uu yahay furaha horumarka mustaqbalka dalka, isla markaana Wasaaraddani ay door weyn ka ciyaari doonto koboca dhaqaale ee Soomaaliya.

- Advertisement -

“Dhaqaalaha Buluugga ah waa meesha ay ka bilaaban doonto Soomaaliya barwaaqo ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa, isagoo xusay in la doonayo in shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga faa’iideystaan khayraadka badda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ballan qaaday in dowladda ay ka hirgelin doonto xeebaha dalka waddooyin waaweyn iyo kaabayaal kale oo fududeynaya helitaanka iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya leedahay.

Latest stories