HomeWararDuqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo cusub oo isku xiri doonta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, iyadoo sii maraysa agagaarka Isbitaalka Madiina.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidadka muhiimka ah, ay mudnaan gaar ah u leedahay maamulka, isagoo hoosta ka xarriiqay in aan la aqbali doonin waxyeello loo geysto waddooyinka cusub ee la dhisayo. Wuxuu sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu soo saarayo habraacyo cadcad oo ay ku shaqeyn doonaan shirkadaha bixiya adeegyada.

- Advertisement -

Guddoomiye (Muungaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeelato muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee dalalka horumaray.

“Waxaan bulshada ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda magaalada iyo horumarka guud,” ayuu yiri Dr. Muungaab, isagoo xusay in Muqdisho ay u qalanto inay yeelato muuqaal la tartami kara caasimadaha dunida kale.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa kasoo qeyb galay guddoomiye ku-xigeennada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, ganacsato, odayaal dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada rayidka ah.

Latest stories